Kadib muddo lix todobaad ah oo uu ahaa Ra'iisul Wasaaraha KMG

adib muddo lix todobaad ah oo uu ahaa Ra'iisul Wasaaraha KMG e dalka Tunisia Mohammed Ghannouchi ayaa maanta iska casilay, xilkaas kadib banaan baxyo dib uga soo cusboonaaday dalkaas, oo maalintii saddexaad lagagala soo horjeeday.

Mohammed Ghannouchi oo shir jaraa'id oo uu qabtay laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa cadeeyay inuu isaga degay xilka Ra'iisul Wasaarenimo, kadib markii dadka dibad baxayay ay ku tilmaameen gacan saarkii uu la lahaa Madaxweynihii xilka laga eryay Zeynul Caabidiin Bin Cali 

Mr Ghannouchi oo 69-jir ah ayaa qabtay xilka Ra'iisul Wasaaraha sanadkii 1999-kii iyadoo tan iyo wixii mudadaas ka dambeeyay uu ahaa Ra'iisul Wasaaraha Dowladii uu hogaaminayay Zeynul Caabidiin.

Banaan baxayaasha maalmahan ku hor dhoobnaa wadooyinka ayaa dalbanayay inuu is casilo Mohammed Ghannouchi, kadib markii ay sheegeen in Xukuumada hada jirta aanay waxba ka duwaneyn tii hore oo sideedi ay tahay.

Tunisia ayaa bilow u noqotay kacdoonada shacab iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ku furmay Hogaamiyeyaal muddo labaatan sano xukun keli talisnimo ku maamulayay dalalka Carbeed, waxaana mowjadihii ka curtay Tunisia ay salfatay Madaxweynihii Masar oo shacabkiisa ay ku mudaaharadaan ilaa labaatan maalmood, iyadoo hada xaalka Hogaamiyaha Libiya Mucaamir Khadafi uu joogo weysha qal dibiga haku quus-qaatee.

Comments