Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Milaterig
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Milateriga ayaa booqasho lama filaan ah maanta barqanimadii ku tagay aagga dagaalka degmada Jidka Warshadaha iyo Saldhigyo Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-Shabaab.
Madaxweynaha oo ay wehlinayeen Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada AMISOM, iyo kuwa Milateriga Dowladda KMG ayaa ugu horeyn waxaa uu salaan ka qaaday Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga dalka.
Isagoo xirnaa dareyska Milateriga ayaa waxaa uu kula hadlay Xarunta wasaarada Gaashaandhiga Ciidamada Xooga dalka, oo uu kula dar daarmay inay dalka iyo dadka ka difaacaan waxa uu ugu yeeray kuwa dhibaatada iyo argagixinta ku wada shacabka.
“Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed waajibkooda kowaad waa in ey dalka ka difaacaan cadawga beenta ka sheegaya diinta islaamka”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo khudbadihiisa aheyd mid koobneyd.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG, sida Taliye xigeenka Ciidamada xooga dalka Jen. Dhega-Badan, Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Nathan Mugisha, Taliyaha Ciidamada Brundi Juvenal Niyoyunguruza iyo saraakiil kale.
“Yaanan la dhibaateyn caruurta yar yare ee lasoo marin habaabiyey marka eey isi soo dhibaan Ciidamda Dowladda iyo marka ay dhaawacmaan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo Ciidamada Dowladda ka dalbanayay in aysan waxyeeleyn dhalinyarada Shabaab ka soo baxsata.
Dhinaca kale Taliye xigeenka Milateriga Jen, Dhega-Badan oo isna hadal u jeediyay Ciidamada ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dalka la difaaco, isagoo Madaxweyne Shariif u balan qaaday inay waajibaadkooda sii wadayaan iyo guulaha is daba jooga ee dagaalada ka keenayaan.
Ciidamada Dowladda ee ku sugan Jidka Warshadaha ayaa la arkayay iyagoo gaada ka ciyaar iyo dhiiranaan sare ka muuqata, taasoo sabab u ah booqashada Madaxda Dowladda KMG ku tagaan jiidaha dagaalka, iyadoo saraakiisha Ciidamada ay sheegaan in tani wax badan ka badaleyso moraalka Ciidamada.

- Si kastaba ha ahaatee booqashadan Madaxweynaha ku tagay jiidaha dagaalka iyo goobaha Ciidamada Dowladda ay la wareegeen ayaa ku soo aadeysa xilli dhaq dhaqaaq cidan iyo diyaar garow dagaal ay ka jiraan wadadaas, iyadoo Dowladda KMG ay wado guluf xoogan.

Comments
Post a Comment